13906

Taariikhda Jilaa Ee Shahid Kapoor.


2011-06-15 18:32:06

 

Shahid Kapoor waxa uu dhashay 1981-kii, Aabihii waxaa lagu magacaabaa "Pankaj Kapoor" waxa uu ahaa Jilaa ama atoore waxa uuna heystaa diin ahaan Hindu, laakiin Shahid iyo Hooyadiis "Neelima Azim" waxa ay heeystaan Diinta Muslimka, Hooyadiis waa tabare dhanka Raqsiga ama qoobkacayaarka, weyna kala tageen labadiisa waalin xili hore.

Shahid Hiwaayadiisu waxey eheed in uu jilaa noqdo qoob kaciyaarka barto iyo weliba in uu cayaaro Cricket-ka, Shahid inta uusan noqon Jilaa waxa uu kashaqeyn jiray sida Video iyo warbaahinta ganacsiga, laakiin muuqaalkiisa wanaagsan iyo moowhibada uu lahaa ilaahna ku maneystay ayaa weji cusub oo kale u gediyay waxa uuna helay shaqooyin sare sida in uu u shaqeeyo Shikada Pepsi waxa uuna lashaqeynaayay Jilayaal caan ah sida "Mincharojan - Rani - Kajol" .


Shahid fursadihii ugu wanaagsanaa ee usuura gelisay in uu noqdo Jilaa  waxa uu kahelay warbaahinta isagoo in badan ku dhaxjiray, waxaa kale oo Shahid kasoo muuqday xiligi ugu horeeyay Heestii "Kahiin aag lage" taasuu kamid ahaa dadkii heesta ku ciyaarayay.



Filimkii ugu hereeyay ee Shahid metelo waxa uu keenay Sanadkii 2003- waxaana lagu magaxcaabaa "ishq vishk", laakiin waxa lala yaabay Shahid markii uu ku kuuleystay Jaa'izada loo yaqaano Filmfare kadib markii uu noqday Jilaagii ugu wanaagsanaa Shabaabka taasoo fajac ku noqotay wejiya badan oo kala duwan, hayeeshee Shahid waxa uu soo bandhigay in uu leeyahay mustaqbal ifaya oo cid inkiri kartaa  jirin.


Sanadkii 2004-ta waxa uu keenay Filim sedax geesood ah oo ay wada jilayeen Kareena Kapoor iyo Fardeen Khan oo lagu magacaabo "Veda" waxa uuna kagaaray guul weyn isagoo markale helay soona jiitay indhaha Soosaarayaal caan ah iyo weliba taagero fara badan,  waxaana uu isla sandkii 2004-ta uu keenay Filim kale oo ah romansi iyo qosol iskugu jira magaciisuna yahay "Dil Maange" .

Shahid waxaa helay hoos u dhac sanadkii 2005-ta waxa uuna keenay aflaam fara badan laakiin manoqon kuwa uu guulo wanaagsan ku gaaray laakiin shacbiyadii uu lahaa waxba uma aysan dhimin oo waxa uu noqday mid kamid ah xidigaha loogu jecelyahay Bollywoodka, filamadaasina waxaa kamid ahaa [  Vaah , Life Ho To Aisi, Deewane Huye Pagal, and Shikhar.

Shahid Kapoor waxa uu dib u bilaabay shaqadiisi waxa uuna markaan miiska soo saaray Filimada kala ah "China Town 36 iyo Chup Chup ke" laakiin guul wey kuma gaarin oo waxey noqdeen meel dhaxaad. hayeeshee Shahid manoqon mid quusta oo waxa uu markale lasoo shirtegay [ Vivaah ] run ahaantiina waxa uu noqday mid dumiyay aduunka waxa uuna noqday mid la'isku dilo daawashadiisa oo Shaleemooyinka qabsaday waxaana bulshadu u qireen in uu yahay Jilaa dhameystiran waxa uuna noqday Xidigii ugu nasiibka badnaa malmahaas.

Jilaagaan caanka ah  ee Shahid Kapoor waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsi aan quusan oo aan niyad jebin marka filimaantiisu noqdaan falop, laakiin waxa uu hal kaas ka qaataa qaladaadkii uu sameeyay asigoo isku daya in uu markale dib usoxo, waxaa kale oo lagu sheegay Shahid in uu yahay shaqsi karti badan mar walibana jecel in uu guul gaaro asigoo dhanka kale kamid ah amaba lagu tilmaamo in uu yahay Jilaaga 2aad ee ugu cayaarta wanaagsan Bollywoodka marka laga soo tago Hrithik Roshan.

Xiliyadii  iyo magaxyadii Aflaamta Shahid Kapoor uu jilay Halkaan ka aqriso.

Years                     Title



2003  =Ishq Vishk

2004 =                   Vida, Dil Maange More

2005 =                  Deewane Huye Paagal, Vaah! Life Ho Toh Aisi, 

2006 =China Town36, Chup Chup Ke, Vivah

2007 =Fool n Final, Jab We Met

2008 =Kismat Konnectionm,

2009 =Kamineym, Dil Bole Hadippa,

2010 =Badmaash Company, Milenge Milenge

2011 =Mausam

 

Alamtara Haji

Info@jilaa.com

-1
kadar cade - 2011-06-15 16:00:44 wooow, warkan cadi ma'ahan wlhi, shahid kapoor nin culus cml.......wu caqli badanyahy really."Nin aan sabrin sad ma helo" ...well done shahid Tnx jilaa.
+1
amrita - 2011-06-15 16:53:54 shahid waa jirta lkn iska daa nagaha xun xun sida karina iyo priyanka waa kaa waaweyn yihiin waxaan kugu ogahay amrita roi qoftaas ayaa qatar kugu ah waxaan kale aduun ki kaa horeeyay ayaa soo laqay waa jirtaa gool wacan jilaa aad uda'yar misna qurux badan baa tahay
0
qalanjo - 2011-06-15 19:53:32 yaaw yaw wa ku tageera flimadaadana caadi ma ahan lakiin nagti ku jacleed maxaa ku deysey inkaarteyda kugu dhacday 4476675765
0
Buuqle - 2011-06-15 21:16:54 Filmka Veda ma ahan ....Fida waaye iska sax ninka waxan soo qorey
-1
gabadha sanadka - 2011-06-16 00:02:38 waaw waajiraa shaahid laakiin filimo intaan kabadan ayuu jilay quruxlowgaaa
0
shahid - 2011-06-17 11:11:36 Hello everybody good information, there is a link for more information and fun Visit our site http://www.shahidupdates.com (See in all about Islam, about Mobiles, Poetry and Ghazals, all books, free download softwares, Ring Tones, Review, Fashion, About your Love, Free Movies Videos, Free Games, Wallpapers, Shahid Kapoor Pictures and Related News, Shahid Afridi latest News and Pictures, SMS, Quotes, Windows and Antivirus Software’s and Many Many More for your information and fun.
0
xasan - 2011-06-17 19:37:28 axsan beem jilaa been badanaa shahid kapoor miyaa muslim ah se cml hee anga wax ma aqrino miyaa reer baadiyo miyaa a na moday google gali magacisa qeebta pic tag waxaad ku arkesa sawir asiga o fadhiyo oo wato calada catabka ah ama karishtanka ah markaas ba lagu dhaha muslim waaye waxaan been badanaa adinka qof aan aheen muslim maka dhigi kartaan muslim ee dadka beenta ka dhaaf plzz
0
axmed - 2011-06-19 22:12:57 Shahid Kapoor Ads by Google Cairo 1-Day Coupons Up To 90% Off The Best Stuff To Do!. Restaurants, Spas, Events And More. - www.LivingSocial.com Royal Rajasthan on Wheels Explore Luxury Train of Rajasthan.. SAVE 15% on Twin Sharing. Book Now! - RoyalRajasthanOnWheels.co.in/India Is Jesus Really God? Scholars Examine the Facts. About Jesus' Claims to be God - Y-Jesus.com Shahid Kapoor Photo Gallery Personal Profile (Personal Biography) Date of Birth (Birthday): 25 February, 1981 Zodiac Sign: Pisces Height: 5'7" Weight: 70 Kg Eye Color: Black Hair Color: Black Birth Place: Bombay Religion: Hindu Education: Gyan Bharati (Delhi) and Rajhans Vidyalaya (Mumbai) Marital Status: Single Languages: Hindi, English
+1
axmed - 2011-06-19 22:48:56 http://www.surfindia.com/celebrities/bollywood/actors.html WAXAA KA OGAAN KARTAA WEBSIDKAN AKTARADA MUSLIM KA AH IYO KUWA KALE waxaa jiro kuwa muslim ah sida amjad khan .. arshad warsi .. salman khan arbaaz khan sohail khan .emran hashmi.. irfan khan .Naseeruddin Shah soomaalida waxeey u yaqaanaan jalwa ...Feroz Khan...Javed Jaffrey...aamir khan .. Imran Khan...Dilip Kumar.. Zayed Khan...Fardeen Khan...Saif Ali Khan..Raza Murad...Meena Kumari...Waheeda Rehman...
+1
abakar - 2011-10-08 02:05:12 waaw shahid caadi ma ahan waa xidiga bollywoodka
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
Please, use one email and name all the time, pretending multiple users might cuase you to be banned from Jilaa Comments.
 
 
Akshay Kumar oo gaad gaad daran ku haya Katrina Kaif - Daawo Sawirada,