14669 | Tweet |

Aamir Hussain khan oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (Amir khan)
waxa uu ku dhashay Magaalada Mumbai ee dalkiisa hooyo Hindiya taariikhdu markay ahayd 14 Maarso 1965, Aamir waxa uu ahaa yaraantiisa mid firfircoon wuxuuna bilaabay xilligii uu yaraa jilista aflaamta, dadaal dheer ka dib waxa uu u dalacay inuu noqdo soosaare sameeya filimada. 1973 ayuu sameeyay filimkiisii ugu horeeyay ee la dhihi jiray Yaadoon Ki Baaraat waxaana soo saare ka ahaa adeerkiisa Nasir Hussain.
Waxa uu kasoo jeedaa Aamir Khan qoys Muslim ah asigana waa Muslim, waxa ayna qaraabo isku dhaw yahiin Mawlaanaa Cabdulkalaam Muxudiin Axmed oo ahaa Sheekh Caalim Muslim ahaa, hogaamin jirayna muslimiinta dalkaasi Hindiya, Aamir Aabahiis Daahir Xuseen asigana ahaa Jilaa hore iyo soo saare waxuu geeriyooday Febraayo 2010.
Aaamir Khan oo lagu tilmaamo Jilaa ama actor jaceyl badan (romance) ayaa waxa la sheegaa inuu ka mid yahay jilayasha hogaamiyo ama ugu cadcad Bollywoodka waxaa filinkas aan kor kusoo sheegnay 11 sano ka dib waxa uu sameeyay filimkii Holi 1984, wuxuuna kusoo caanbaxay filimkii Qayamat Se Qayamat Tak sanadkii 1988. Aamir ayaa qoray sheekada filimkaan waxuuna guuleystay billada ama abaalmarinta loo yaqaano Filmfare Best Male Debut Award isagoo taasi u suuri gelisay inuu ka mid noqdo Jilaayaasha Bollywoodka.

Filimadiisa iyo doorkii ay ciyaareen dhanka abaalmarinta
Sanadka/ Magaca Filinka/ magaca uuku jilayay
1973 Yaadon Ki Baaraat Young Ratan
1974 Madhosh Child artist
1984 Holi Madan Sharma
1988 Qayamat Se Qayamat Tak Raj
1989 Raakh Aamir Hussein
Love Love Love Amit
1990 Awwal Number Sunny
Tum Mere Ho Shiva
Deewana Mujh Sa Nahin Ajay Sharma
Jawani Zindabad Shashi
1991 Afsana Pyaar Ka Raj
Dil Hai Ki Manta Nahin Raghu Jetley
Isi Ka Naam Zindagi Chotu
Daulat Ki Jung Rajesh Chaudhry
1992 Jo Jeeta Wohi Sikandar Sanjaylal Sharma
1993 Parampara Ranbir Prithvi Singh
Hum Hain Rahi Pyar Ke Rahul Malhotr
1994 Andaz Apna Apna Amar Manohar
1995 Baazi Inspector Amar Damjee
Aatank Hi Aatank Rohan Rangeela Munna
Akele Hum Akele Tum Rohit
1996 Raja Hindustani Raja Hindustani uuku helay , Filmfare Best Actor Award
1997 Ishq Raja
1998 Ghulam Siddharth Marathe
1999 Sarfarosh Ajay Singh Rathod
Mann Dev Karan Singh
Earth (1947) Dil Navaz
2000 Mela Kishan Pyare
2001 Lagaan Bhuvan uu ku helay , Filmfare Best Actor
Dil Chahta Hai Akash Malhotra
2005 Mangal Pandey: The Rising Mangal Pandey Nominated, Filmfare Best Actor Award
2006 Rang De Basanti Daljit Singh 'DJ' Winner, Filmfare Critics Award for Best Performance
Nominated, Filmfare Best Actor Award
Fanaa Rehan Quadri
2007 Taare Zameen Par Ram Shankar Nikumbh Nominated, Filmfare Best Supporting Actor Award
2008 Ghajini Sanjay Singhania Nominated, Filmfare Best Actor Award
2009 Luck by Chance Himself Special appearance
3 Idiots Ranncchoddas Shamalaldas
Chanchad (Rancho)/
Phunsukh Wangdu Nominated, Filmfare Best Actor Award
2010 Delhi Belly Guest appearance
Dhobi Ghaat Pre-production
Aamir Khan ayaa waxaa lagu sheegaa inuu yahay shaqsi aad u furfuran oo soo jiita dhamaan asxaabtiisa ayadoo ay aad u amaanaan atriishooyinka la jila aflaamta waxaaana uu la galay heshiis xayeysiin midkii ugu lacag badnaa dalka India shirkadda caalamiga ah ee cabitaanka ee lagu magacaabo Coca Cola sanadkii 2006, waxuuna Aamir la kulmay bishaan Marso soo saaraha ugu weyn Hollywood-ka ee soo saaray filinkii Titanic iyo waliba Avatar oo lagu magacaabo James Cameroon.

Aamir waxa uu guursaday Reena Dutta oo ku lug laheyd qaar tirsan filimadiisi maadan ay aheyd soo saare waxeyna soo saartay filinkiisii Lagaan oo ku helay abaalmarinta waxay u dhashay laba caruur ah (gabar iyo wiil) waxaa lagu macaabaa Ina iyo Junaid, 15 sanadood oo ay wada noolaayeen ka dib Aamir iyo Reena waa ay kala tageen, caruurtiina way ka qaadatay oo iyadaa haysato, Aamir ayaa hadana 28 december sanadkii 2005 waxuu guursaday Kiran Rao oo uu la kulmay xiligii uu jilaayay filinkiisii Lagaan waxeyna la shaqeynaysay ninkii sameeyay filinkaasi, Aamir Khan ayaa taalo u eg waxa la dhigay madxafka Madame tausode ee London, waxaa kale uu sanadkan bilawgiisii la kulmay Hillary Clinton oo ah haweeneyda u qaabilsan mareykanka arrimaha dibadda waxeyna ad ugu amaantay Aamir inuu taageero aqoonta maadaama uu filimadiisa ku matalo inuu caawiyo dad ama caruur dhibaato kasoo wajahda iskuulka iyo sidoo kale niya jabka kasoo wajaha asighoo niyadda u dhisa inta badan sidaas darteedna ay ardayda India u doorteen Aamir safiirkooda Bollywood iyo arrimaha wax barashada.

Heesaha uu qaaday Aamir Khan waxaa ka mid ah heeso aad ku aragteen filimo badan oo ay ka mid yihiin kabhi khushi kabhie gham oo jilayaao Amit, sidoo kale Hogi Pyar Ki Jeet oo uu jilaayo Arshid warsi heestaas oo ah Aati Kya Khandala halkan ka daawo,
Sakariye Xaaji
saxaaf25@hotmail.com
Jilaa News.